(Sawirro) Xiisada ka dhex aloosan Shiinaha & Taiwan oo ka dartay & cabsi laga qabo..

Xiisada milateri ee ka Bariga fog ayaa aad u sii kaceysa iyadoo laga cabsi qabo in Shiinaha uu duulaan ku qaado jasiirada Taiwan.

Militeriga Shiinaha ayaa maalintii Labaad dib u billaabay howlgal dhoollatus ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee ka dhacay gobolka.

Shalay iyo maantaba waxay ciidanka Shiinaha samaynayeen dabrid ay qayb ka yihiin gantaallo lagu riday meelo u dhow Taiwan, iyagoo u muuqday inay hareereeyeen jasiiraddaas.

Wararkii ugu dambeeyay maanta soo baxaya waxay sheegayaan in dowladda ka talisa Taiwan ay amar ku siisay taliskeeda militeriga inay howlgeliyaan diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta, si ay ula socdaan xaaladda. Taiwan ayaa sidoo kale rakibtay gantaallada difaaca hawada ee laga hago dhulka.

Mareykanka ayaa dhankiisa Maraakiibtiisa dagaalka iyo kuwa xambaara diyaaradaha Dagaalka u jiheeyay dhanka Marinka Taiwan, halkaasoo sidoo kale meel aad ugu dhow ay ku sugan yihiin Maraakiibta Dagaalka Shiinaha.

Maamulka Jasiirada gooni u goosadka ah ee Taiwan waxay sheegeen iney leeyihiin awood ay isaga caabiyaan weerarkasta oo uga yimaado dhanka China.

Sheekada ayaa waxay u sii ekaaneysaa dagaalkii Ukraine iyo Ruushka xili Mareykankana uu ku dhici waayay inuu Ukraine siiyo garab toos ah, balse taas badalkeeda haloo duceeyo yiri markii Ruushka weeraray.

Xiisadan ayaa bilaabatay markii dowlada shiinaha ay ka carootay booqasho Afhayeenka Congresska Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay Jasiirada Taiwan oo shiinuhu u aqoonsan yahay iney ka tirsan tahay dhulkeeda.

Haatan sidii oo kale waxay ka waalayaan Taiwan waxaana wax iska cad ah in Mareykanka uusan dagaal toos ah la gali doonin Shiinaha kaliyana waxay rabaan in awooda Shiinaha ku furaan aag dagaal oo dhanka Taiwan ah sidii ay horayba Ruushka ugu fureen aaga Ukraine.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -